Ma xaqiiqaa Hadalkii Madaxweyne Waare ?

188

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo shalay saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu faraha ka baxayo amaanka magaalada Muqdisho.

Wuxuu digniin u diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, isaga oo kula dardaarmay inay feejignaan dheeri ah galaan, maadaama sida uu sheegay uu sii xumaanayo amaanka caasimadda Soomaaliya.

Digniinaha dhanka amaanka ee caasimadda ayaanan aheyn kuwo cusub, waxaana todobaad ka hor magaalada ku jirtay inay jiraan seddex gaari oo nooca Raaxadda ah kuwaasi oo qaraxyo ay saaran yihiin.

Waxaa mid kamid ah uu qarxay maalintii shalay, kadib markii lagu weeraray xarunta degmada Hodon ee gobolka Banaadir, waxaana weerarkaasi uu sababay dhimashada 10 ruux iyo dhaawaca intaasi ka badan.

Lama oga halka ay jiraan labada kale ee qaraxyada ay ku xiran yihiin, waxaana digniin ceynkaan oo kale ah horey usoo saaray hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Hadalka madaxweyne Waare, ayaa u muuqda mid kusoo beegmay xili digniinaha dhanka amaanka ay jireen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.