Jubbaland oo shaacisay go’aan kale oo Liidaya Madaxweyne Farmaajo.

452

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inaysan gabi ahaanba aqbaleyn ka qeyb galka shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo, kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Jubbaland, ayaa sheegtay inaysan gabi ahaanba ka qeyb galeyn shirka golaha amniga qaranka, kaasi oo madaxweyne Farmaajo isugu yeeray dhamaan madaxda maamul goboleedyada, maalin kadib markii shirkooda uu kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay ineysan la dhacsaneyn sida dowladda Soomaaliya wax u wado, waxaana uu qoraalkasi u muuqdaa mid ay ku liidayaan dalabka madaxweyne Farmaajo.

Maamul goboledyada ayaa shirkooda ay kusoo dhameeyeen magaalada Kismaayo waxay sheegeen inay xiriirka ugu jareen dowladda Soomaaliya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.