Kheyre oo Maqaal ka qoray isbadalka Geeska Africa [Akhriso]

552

Maalmo yar ka hor, dowladaha Jabbuuti iyo Erateriya waxa ay ku heshiiyeen in ay xiriirkooda dib u hagaajiyaan, isla-markaasna bog cusub u furaan danaha labada waddan oo uu horay qalqal siyaasadeed soo kala dhexgalay.

Arrintaan waxaa xigtay guul kale oo taariikhi ah, taas oo ahayd: shirweyne ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, Itoobiya iyo Erateriya, kaas oo lagu raadinayo waanwaan nabadeed.

Kulankani wuxuu muujinayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xal-u-helidda nabadda iyo xasilloonida gobolka, taas oo aas-aas u ah siyaasaddeenna arrimaha dibadda. Hoggaamiyeyaasha saddexda waddan waxa ay isku raaceen in laga gudbo xalna loo helo khilaafaadkii horay u dhexyaallay waddamadaas.

Tan iyo markii aan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo anigu xafiiska la wareegnay, dowladdu waxa ay soo hoysay guulo waaweyn; gudaha iyo dibaddaba.

Dowladdeennu, isaga oo uu nagu matalayo wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, waxa ay hoggaamineysaa wada-hadallo lagu dhammeynayo muranka xudduudeed ee u dhexeeya Jabbuuti iyo Erateriya.Wada-hadallada Asmara ka furmay waxaa looga gollahaa in lagu xoojiyo wadaxaajoodyo gooni gooni ahaa oo u dhexeeyay madaxda saddexda dal.

HESHIISKA NABADDA

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabbuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhiggiisa Erateriya, Cusmaan Saalax ayaa bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya waddo si loo wanaajiyo xiriirka labadaas dal.

Muddo tobaneeya sano ah ayey labada dal ku muransanaayeen gobolka Doumeira. Isku-dayo badan oo la sameeyay si cadaawadda loo soo afjaro ayaa guuldarro ku dhammaaday. Sannadkii 2010, dowladda Qatar ayaa dadaal xooggan u gashay sidii labadaas dal loo heshiisiin lahaa.

Horumarka u dambeeyay ee ay dowladdeennu sameeysay waxa uu inta badan la xiriiraa wada shaqeynta siyaasadeed iyo tan diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la yeelatay dunida inteeda kale.

Laba bil ka hor, madaxweyne Farmaajo wuxa uu gogol u fidiyay raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Arrintaan waxa ay aad uga yaabisay xulafadii siyaasadda iyo dadkii xumatashiilka ahaaba, balse waxa ay sii xoojisay xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal u dhexeeya.

Wada-hadallada Asmara waxa ay hordhac u yihiin waa cusub oo diblomaasiyadeed. Soomaaliya waxa ay si xowli ah u soo ceshaneysaa booskii ama kaalintii ay ku lahayd dowladaha horay u maray. Waxaan dadaal ugu jirnaa inaan door fiican ka cayaarno nabadda iyo ammaanka adduunka.

AMMAANKA

Sannadka soo socda, Soomaaliya waxa ay dib ula wareegi doontaa shir-guddoominta Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carbeed, annagoo shirka 2019-ka ku qaban doonna Muqdisho, si ay dunidu u ogaato inaan ganacsi diyaar u nahay.

Dowladdeennu waxa ay damacsan tahay in ay ka faa’iideysato dabaysha isbaddal ee ka dhaceysa geeska Afrika si aan u horumarinno danaheenna ammaanka, gacanna uga geysanno sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka Afrika inteeda kale.

Intii la joogay Asmara, waxaan muujinnay tilmaanna ka bixinnay halka ay siyaasaddeennu ku jiheysan tahay oo ah inaan noqonno qaran nabdoon oo ku yaalla gobol xasilloon.

Baadi-doonka aan ugu jirno guul aan ka gaarno arrimaha dibaddu waxa uu ka shidaal qaadanayaa horukaca aan ka sameynnay waddanka gudahiisa, gaar ahaan xagga ammaanka.

Argaggixisadii waddankeenna gabbaadka ka dhigatay hadda waxa ay ku sugan yihiin xaalad ciirciir ah. Soomaaliya abaal weyn ayey uga heysaa waddamada deriska ah, oo ay ka mid tahay Kenya, gacantii ay ka geysteen dagaalka aan kula jirno argaggixisada.

ARGAGGIXISADA

Dowladdeennu waxa ay ku dhawaaqday cafis, kaas oo horseeday in hoggaamiyeyaal kooxo argaggixiso ahi ay dowladda isu soo dhiibaan, ka dibna gacan ka geystaan dib u dhiska Qaranka. Qurbajoogta soo laabatay ayaa ayaguna waxa ay dalka ku sameeyeen maalgelin aad u xoog badan.

Dowladdeennu waa mid shaqeyneysa. Waxa aan bixinnay mushaarka shaqaalaha rayidka ah, ciidamadeennana waxaa ka go’an in howl-galladooda ay sii xoojiyaan. Sidoo kalena waxa aan xiriir aad u wanaagsan la sameysanay beesha caalamka. Hay’adda Lacagta Adduunku waxa ay Soomaaliya ku bogaadisay dib-u-habeynta iyo qaabeynta aan ku sameynnay kobcinta dhaqaalaheenna.

Saddexdii bilood ee u horreysay sannadkan, 2018, dowladdu waxa ay gudaha dalka ka ururisay dhaqaale gaaraya 42.5 milyan oo doollar ah, taas oo ah lacagtii abid ugu badneyd ee dowlad Soomaaliyeed ururiso muddo saddex bil ah gudaheed. Haddaba, waxa aan cagta ku heynnaa waddadii Soomaaliya ay ku gaari lahayd in loo dhaafo deymaha lacageed ee lagu leeyahay.

Halku-dhegga dowladdeennu waa ‘ISLAXISAABTAN’, waxaana barbar socda dagaal joogto ah oo ka dhan ah musuqmaasuqa. Soomaaliya waxa ay maanta joogtaa heer ay ilaheeda dhaqaale dadkeeda uga faa’iideyn karto.

Ra'iisul Wasaaraha Soomliya Xasan Cali Kkeyre
Ra’iisul Wasaaraha Soomliya Xasan Cali Kkeyre

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.