Jubbaland oo Go’aan kale ka qaadatay Dowladda Soomaaliya

445

Maamulka Jubbaland ayaa Go’aan kale oo aan la fileyn ka qaatay dowladda Soomaaliya, kaasi oo ah inay gabi ahaanba hakiyeen xiriirkii wada shaqeyneyd ee kala dhaxeeyay Hay’addaha dowladda Soomaaliya.

Arintan waxay ka dambeysay kadib markii Shir afar maalin socday uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo maamulada dalka ay ku shaaciyeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya.

Axmed Xasan oo ah wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland ayaa qoraal uu kasoo saaray xafiiskiisa wuxuu ku sheegay inay gabi ahaanba xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya.

“Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa fartay dhammaan hay’adaheeda dawligga ah in la hakiyo wada shaqayntii ay la lahaayeen hay’adaha iyo Wasaaradaha dowladda federaalka”ayuu yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hortagaya inuu sii xumaado xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa 17 ilaa 18 bishan shir deg deg ah isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada, si looga xaajoodo tabashooyinka ay qabaan.

Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland
Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.