Dowladda maka Faa’ideysan doontaa fursadan cusub ?

208

Dowladda Soomaaliya fursad cusub ayaa kaga soo iftiintay deegaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud, kadib markii dadka deegaanka ay bilaabeen inay iska difaacaan Al Shabaab.

Dadka deegaanka oo hubeysan ayaa la baxay magaca Macaawiislayaasha, waxayna sheegeen inay iska difaaci doonaan Al Shabaab.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii dadka deegaanka Al Shabaab ay ku amreen inay ku wareejiyaan caruurtooda iyo hub ay ku dagaalamaan, si ay uga mid noqdaan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mar walbaa Al SHabaab ay gumaad kala kulmi jireen, laakiin hadda waxii ka dambeeya ay iska celin doonaan Al SHabaab.

Hadaba waxaa la isweydiinayaa sida dowladda Soomaaliya ay kaga jawaabi doonto arintaan, maadaama dadka deegaanka ay u dulqaadan waayeen cadaadiska Al Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa kaga faa’ideysan karta fursadda hortaala inay hubeysa dadkaasi ka carooday Al Shabaab, islamarkaana ay hadda usii dajiso qorshe ay kaga mid noqon karaan ciidamada qaranka, haddii kale waxaa imaan doonta haddii ay ka guuleystaan AL Shabaab inay iyagana fahmaan jabhadeynta ayna mucaarad kale noqon karaan.

Dadka deegaanka oo hubeysan
Dadka deegaanka oo hubeysan

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.