Qarax Xoogan oo laga maqlay magaalada Muqdisho

485

Qarax xoogan ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga maqlay xaafado badan oo ku yaala caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa wararka waxay sheegayaan inuu ka dhacay agagaarka xarunta degmada Hodon ee gobolka Banaadir, kaasi oo degmooyin badan laga baqlay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan, taasi oo loo malaynayo in gudaha loogu galay xarunta degmada Hodon.

Maalmo ka hor ayaa qarax gaari wuxuu ka dhacay xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa burburiyay dhamaan dhismihii xarunta degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.