Sarkaal ku luglahaa weerarkii ZOOBE oo la dilay [XOG]

170

Ma jirto dowlad sheegatay masuuliyadda duqeynta ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, laakiin deegaanadaasi iyo koofurta Soomaaliya waxaa duqeymo ka fuliya diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Sida Warar xog ogaal ah aan ku heleyno duqeynta ayaa xalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana bartilmaameydka duqeynta uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab.

Sarkaalka lagu duqeeyay degmada Jilib, oo aan wali magaciisa la shaacin ayaa la rumeysan yahay inuu ka tirsan yahay amniyaadka Al Shabaab, wuxuuna ka qeyb qaatay weeraro badan oo ka dhacay Koofurta Soomaaliya.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in sarkaalka uu ku lug lahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Muqdisho, 14 October ee sanadkii hore, kaasi oo ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab, balse waxaa la rumeysan yahay in sarkaalkaasi uu ku dhintay duqeyntii ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeyn diyaaradeed

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.