DHAGEYSO: Hooyada Dhashay Guddoomiyaha X/Weyne oo Fariin soo dirtay

413

Hooyada dhashay guddoomiyaha degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay ayaa sheegtay in wiilkeeda la shirqoolay.

Waxa ay shaqo joojinta iyo xerista wiilkeeda ku eedeysay xisaabiyaha guud ee dowladda.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayay ugu baaqday inuu soo fara geliyo arrintaan kana shaqeeyo sidii wiilkeeda loo soo deyn lahaa maadaama sida ay sheegtay uu ku xiran yahay cadaalad daro.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in wiilkeeda Cumar Shariif Jeeg inuu yahay mid aan runta ka gaban, sidoo kalena uu diiday inuu saxiixo warqado uu usoo diray Xisaabiyaha guud ee dowladda.

5-ta bishaan September ayaa shaqo joojin iyo xiris lagu sameeyay guddoomiyaha degmada Xamar weyne Cumar Shariif Jeeg ka dib warqad ka soo baxday xafiiska Xuseen Maxamed Nuur oo xilligaas ahaa kusimaha guddoomiyaha gobolka banaadir.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.