Hay’adda HRW oo Si yaab leh kaga hadashay xariga Cabdi Ileey

Hay’adda u doodda Xuquuqda Aadana ee Humar Rights Watch ayaa ka hadashay xarigga shalay Magaalada Adis ababa loogu geystay Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar.

HRW qoraal ka soo baxay waxaa ay ku soo dhaweysay Xarigga Cabdi Maxamuud Cumar,waxaa kale oo ay ku baaqday in la soo xiro xubnaha isaga kala shaqeynayay abaabulka ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha iyo dambiyadii ka dhacay gobolka intii uu maamulayay.

Hay’adda HRW ayaa waxaa ay Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ugu baaqday in si caddaalad iyo sinaan ay ku jirto sharciga loo marsiiyo xubnaha ka mid ahaa maamulkii hore ee dowlad Degaanka Soomaalida islamarkaana ku lug leh dhibaatada ka dhacday Gobolka.

Hay’adda ayaa horey ugu cadaadineysay dowladda Ethiopia inay xabsiga dhigto Cabdi Maxamuud Cumar.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.