Halista ka dhalan karta Fatahaadaha oo Laga digay

107

Marka loo eego Warbixin ay soo saartay Hay’adda Unicef ku dhawaad 230,000 oo Haaf kamid ah lagu qiyaasay inay caruur yihiin ayaa ka barakacay deegaanadooda kadib daadad ka dhacay meelaha ay ku sugnaayeen tan iyo bishii April ee sanadkaan.

Dadkaasi ayaa ku biiray tiro dad kale ah oo gaaraya 2.6 Milyan oo ay saameysay Abaaro iyo isku dhacyada ka jira qeybaha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

“”Roobabku waxay calaamad u yihiin dhammaadka abaarta meelaha qaar ee dalka, laakiin sidoo kale waxay xoojinayaan khatarta ay haysato carruurta iyo  nafaqo-xumada ba’an, gaar ahaan kuwa la barakiciyay,” ayuu yiri Christophe Boulierac, afhayeenka UNICEF, oo warfidiyeennada kula hadlayay magaalada Geneva.

Afhayeenka u hadlay Unicef ayaa sheegay in kobaca roobabka ay ka qeyb qaadan karaan faafida cudurada qaar ee sababi kara inay dad badan u dhintaan, sidaadi daraadeedna loo baahan yahay in laga gaashaanto.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in daadadka ay saameeyeen illihii laga heli jiray biyaha nadiifka, deegaanka wanaagsan iyo wax soo saarkii beeraha, Waxaana la sheegay inay sidoo kale qasbeen in la xero 22 meel oo caruurta lagu nafaqeyn jiray oo ku yaala deegaanada Fatahaadaha ay ka jiraan.

Waxaa la baqayaa in fatahaadaha ay ka dhashaan faafida cudurada ay kamid yihiin jadeecadda iyo Shubanka oo halistooda leh, sida warbixinta Unicef lagu sheegay.

Hay’adda ayaa ugu dambeyn sheegtay in loo baahan yahay dhaqaalo badan oo looga qeyb qaato wax ka qabashada xanuunada dilaaci kara iyo taageerada dadka fatahaadaha ay saameeyeen.