Tahriibayaal Soomaali ku jiraan oo la weysan yahay

46 Muhaajiriin ayay dooni la quustay, waxaana la weysan yahay 16 ruux oo la socday doonida la socotay gelinkii dambe ee shalay, doonidaasi oo kusii jeeday dalka Yemen.

Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ayaa sheegtay in dadkaasi oo Soomaali ah ku jiraan ay la degtay doonidii ay saarnaayeen, waxaana wali maqan tiro dadkaasi kamid ah.

Ku dhawaad 100 ruux oo Doonidaasi la socday ayaa habeenkii Tallaadada ka dhaqaaqay xeebta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, sida warbixinta lagu sheegay, Waxaana dagidda doonida u sabab ah mowjado xoogan oo doonida ay wajahday.

“Shaqaalaha IOM ayaa soo sheegay in 46 ruux oo 37 Rag yihiin sagaalna Dumar yihiin la degtay doonida, 16 ayaa wali maqan, waxaana loo malaynayaa inay dhinteen”sidaasi waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Hay’adda IOM.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.