Kenya oo ka jawaabtay weerar ciidamada Al shabaab ku qaadeen Libooya

Shan kamid ah askarta dowladda Kenya ayaa ku dhintay Maalintii shalay weerar Qarax ahaa oo ka dhacay deegaanka Libooya ee dalka Kenya, kaasi oo loo malaynayo inay ka dambeeyaan Al Shabaab.

AL shabaab oo dagaal kula jiro dowladda Soomaaliya ayaa marar badan weeraro ka geystay gudaha dalka Kenya iyo deegaanada dhaca dhanka xuduuda Somalia iyo Kenya.

Weerarkaasi ka dib ayaa masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya waxay sheegeen in loo baahan yahay in jawaab deg deg ah laga bixiyo weerarkaasi lala eegtay ciidamada dowladda Kenya.

Ciidamada Militariga iyo Booliska Kenya, ayaa weli waxay hawlgal ballaaran ka wadaan Magaalada Gaarisa, kadib markii shalay Ciidanka Kenya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee GSU qarax Miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Magaalada Gaarisa iyo Degaanka Libooyo.

Qaraxan oo si gaar ah uga dhacay Tuulada Harar oo u dhaw soohdinta Soomaaliya ayaa waxaa lagu dilay Shan sarkaal, halka Saddex kalena ay ku jiraan xaalad halis ah, kuwaasi oo si gaar ah uga tirsanaa ciidanka la dagaallanka Argagixisada Kenya.

Ciidanka ammaanka Kenya ayaa waxa ay baadigoob ugu jiraan raggii shalay weerarka geystay ee ka tirsanaa ururka Al-shabaab, waxayna Hay’adaha ammaanka amreen in jawaab deg deg ah laga bixiyo weerarkii lagu dilay saraakiisha.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.