Kulan Deg deg ah oo ka socdo madaxtooyada Cadaado

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi uu ka socdo kulan u dhaxeeya Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobey iyo Madaxda Galmudug ee halkaasi ku sugan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlaya Khilaafka taagan, waxaana si wadajir ah kulanka uga qeyb galaya Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa Xukuumadda.

Waxaa sidoo kale Magaalada ka dhacay kulan looga hadlaayay Ammaanka degaanada Galmudug, waxaana Shir ugu gudoominaayay Wasiirka Amniga Galmudug.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey ayaa gaaray Maanta Magaaladaasi, waxaana ay dadaal ku bixinayaan sidii xal buuxa looga gaari lahaa Khilaafka Galmudug.

Waxaa maalmihii lasoo dhaafay sii xoogeystay Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee Galmudug.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.