Xaaf oo Wasiiro cusub ku dhawaaqaya [Sabab]

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda in uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay kasoo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee Galmudug raacay.

Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Bulshadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.

Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ay dib usoo laaban doona, sidda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qorsheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Waxaa sidoo kale dhanka Ahlusunna ka imaan doona sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.