Deg deg: Toogasho ka dhacday Suuqa Bakaaraa

Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal Kooxo hubeysan ayaa goor dhow Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ku dilay ruux ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Suuqa.

Waxaa uu dilku ka dhacay Agagaarka Masjidka Shuhadaa ee ku dhex yaalla Suuqa Bakaaraha, waxaana la dilay nin dhalinyaro ah.

Koox Bastoolado wadatay ayaa toogtay Ruux dhalinyaro ah ka dibna waxaa la sheegay in ay baxsadeen.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana la sheegay in ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaa kusoo batay dilalka Qorsheysan, waxaana Muqdisho lagu dilay ku dhawaad 10 qof tan iyo Markii ay bilaabatay Bisha Ramadaam.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.