Xiisad Dagaal oo ka taagan Tukaraq

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeyso ciidamada Puntland iyo Somaliland o halkaasi marar badan ku dagaalamay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xiisadda ay ka taagan ay u dhaxeyso ciidamada Puntland iyo ciidamada Somaliland, waxaana ay ka baqayaan in xiisadda ay sii kororto.

Deegaanka Tukaraq iyo Degaanka God qaboobe ayaa dadkii kunoolaa waxa ay bilaabeen in ay halkaasi ay ka barakacaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeysatay  xiisadda dagaal maamulada Somaliland iyo Puntland.

Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday dagaal waqti dheer socon doona taasoo sii xumeysay Xaaladda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.