Dowladda & QM oo dhaqaalo dalbaday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u dalbaday lacag gaareyso 80 milyan oo doolar si gargaar deg deg ah loogu sameeyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha iyo roobabka ka da’ay koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Peter De Clerq oo ah isku duwaha Gargaarka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay dhankeeda inay keento qorshe dadka saameynta ay gaartay wax loogu qabanayo.

Shir ay ka qeyb galeen madax ka socotay dowladda Soomaaliya iyo Hayadda UN OCHA ee Qaramada Midoobay ayaa looga dhawaaqay lacagta loo baahan yahay in dadka dhibaateysan wax loogu Qabto.

Sida ay sheegtay hay’adda OCHA rooab xoogan oo ka da’ay Soomaaliya iyo dhulka oogada  sare ee Ethiopia ayaa sababay kororka biyaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaasi oo fatahaado ay ka dhasheen.

Fatahaadaha ayaa baabi’iyay dhul beereed baaxad leh, dhismayaal dad ay daganaayeen iyo hanti dadweynaha ay leeyihiin.

Inka badan 750,000 oo ruux ayaa lagu qiyaasayaa dadka fatahaadaha ay saameeyeen, waxaana inka badan 229,000 ruux ay ka carareen guryihii ay degenaayeen.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in hadda loo baahan yahay dhaqaalo gaaraya 80 milyan oo doolar si jawaab deg deg ah looga bixiyo dadka biyaha ay saameeyeen.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.