Emaraatka iyo ethiopia oo burburinta dawlada soomaaliya u adeegsanaysa muse biixi iyo gaas.

590

Madaxweynaha maamulka Somaliland,Mudane Muuse Biixi waa nin kamid ah wiilashii yar yaraa ee soomaaliyeed ee kamid ka ahaa jabhadii SNM.Ma ahayn madaxda sare ee jabhada hasa yeeshee waa caruurtii lagu ababiyay nacaybka dadka iyo dhulka soomaaliyeed,taasoo Ethiopianka iyo dawlado kale ku sameeyeen dhalan rog mas kaxeed. kaligii ma aha dhalin yaradii tagtay ethiopia oo dhan gumaystahaa ku soo shubtay wax u daran dadkooda iyo dalkooda soomaaliyeed.

Halkii laga bari lahaa dhalin yaradaas in ay jeclaadaan dadkooda iyo dalkooda soomaaliyeed waxaa lagu maran ha baabiyay in ay jeclaadaan dalka Gumaystaha ah iyo dalalka cadawga u ah soomaaliya. Muuse Biixi had iyo jeer waxa uu shiriyaa haweenka iyo caruurta oo dhaqanka soomaaliyeed ku xusan in ay yihiin biri magaydo u baahan in colaadaha iyo dagaalada laga fogeeyo indhahooda iyo dhagahoodaba.

Muuse Biixi waxa uu ku hor ooyaa biri magaydada oo uu kayeelaa dadkii soomaaliyeed kuwo u ah cadaw isagoo marwalba hal qabsi ka dhiganaya afweynaa idin xasuuqay iyo qabiilkiisa! ileen hada madaxweynihii hore ee soomaaliyeed maxamed siyaad bare maba noolee waxa uu kicinayaa in soomaalidu isu disho qabiil. kicintaan uu wado muuse ee uu kawado dhulka waqooyiga soomaaliya maha mid xaq ah mana aha mid ku haboon dadka soomaalida ah ee walaalaha ah.

Muuse Biixi waxa uu arintan u fulinayaa waa wax la soo baray oo ah in uu u adeego danaha shisheeye,waxa uuna aad u jecel yahay in dadka waqooyi galbeed iyo somaaliland oo dhan is dilaan qabiil qabiil.maxaa yeelay isagu waa adeegaa shisheeye mana laha fikirkan oo dhan.waxa uu rabaa in uu helo lacag farabadan dadkuna qabiil qabiil u kala joogo.waxa uu dagaal kula jiraa in dalka soomaaliya ay ka dhalato dawlad shaqaysa.

Muuse Biixi mashruuc ayaa lagu soo siiyay in uu dagaal ka huriyo dhulka soomaaliyeed si caalamku u yiraahdo soomaaliya amaan kama jiro dawlada soomaaliyeedna loo curyaamiyo,hadafkuna maha PUNTLAND iyo SOMAALILAND ee waa in la hor istaago dawlada fadaraalka ee soomaaliyeed oo dhawaan hananaysa dalka oo dhan.

Muuse Biixi makala jecla kan la qiiblka ah iyo kan kale waayo waxa uu hada dhameeyay ee uu laayay waa kuwo lahayb ah dana kama laha hadafka EMARAADKA IYO ETHIOPIA  ayuu fulinyaa oo ah inay fashiliyaan dawlada soomaaliya.wiilasha SOMALILAND IYO PUNTLAND in ay dhintaan dan kama laha.soomaalida waxaa la gudboon in ay iska qabtaan kuwa halaagaya ee u adeegaya shisheeyaha dadkeenana isku dilaya.

Dawlada Emaraadku waxay doonaysaa in iyadoo soomaraysa dawlada ethiopia oo heshiis ku ah dhulka soomaaliya,in ay qabsato xeebaha soomaaliyeed dakada ku yaala,Maadaama badeecada ka imanaysa dakada uugu wayn caalamka ee GAWADER INTERNATIONAL PORT laga furaya meel kasakaysa DUBAI PORT taasoo keentay in ay dumayso suuqii dakada dubai.inta soomaalidu hurudo waa in ay qabsadaan dakada oo kama caashaan.ethiopia iyadu dubay bay ku gabanaysaa oo waxay doonaysaa dakad ay yeelato oo ay mulkido. waxaa intaa dheer dalal reer galbeed ah oo doonaya in dalka soomaaliya ay kasaaraan TURKI iyo xulufadiisa sabab dhaqaale darteed iyo siyaaso.

Muse Biixi EMARAAT iyo Ethiopia ayuu u adeegayaa dana kama laha somaliland iyo soomaaliya midna.waxaa waajib ah in dadku fahmaan siyaasiga u adeegaya shisheeyaha.

Madaxwaynaha Puntland isagu maha nin neceb soomaalinimada oo gumaysi rabaystay,hase yeeshee waxaa dilay damac aduun oo shilin baa u muuqda.hadana waxa uu u tafa xaydan yahay in uu fuliyo mashaariicdaa EMARAAD usoo dhiibeen oo ah macnaha oo dhami in ay hor istaagaan dawlada fadaraalka ah.Dr Gaas waa adeege shisheeye oo cad.isagu waa kan isku duba rida lacagtana u qaybiya loogu soo dhiibay maamul gobleedyada,si loo abuuro khalkhal siyaasadeed oo ka dhan ah umada soomaaliyeed.

wuxuu muuse biixi kala mid yahay in dadka soomaaliyeed iyo qabiilada laysku laayo maadama ethiopia iyo emaraad sidaa doonayaan taasoo hagar galin karaysa hawlaha hor usocod ee dawladnimada soomaaliyeed.markaa mashruucu waa in dalka soomaaliyeed aan la oran nabad baa ka jirta.markii la arkay in dawladii soomaaliyeed shaqo gashay oo koonfur badan keedii nabad iyo xasilooni noqday oo mogdisho nabad noqotay,ayaa laga xumaaday tanaa keentay in qabiilooyin masaakiin ah laysku laayo oo waxa socda aan ogaynba.

Emaraadka iyo Ethiopia danbaa uugu jirta dagaalkan siyaasadeed.waxa dhimanayaana waa dad soomaaliyeed,dadka soomaaliyeedna wax ay ku gaarayaan majiro dagaalka noocyadaan ah oo dhan ilaa khasaaro mooyaane.hadaba waxaa la rabaa in dadka soomaaliyeed ku baraarugaan madax dooda u shaqaynaysa shisheeyaha ee iibsanaysa dhiiga shacabka soomaaliyeed iyaguna dagaalna ma galaan lacagna waa usocotaa malaayiin ah.

Maanta dalkeena soomaaliyeed waxa ka naxaya oo kaliya waa dawladaa fadaraalka ee dhexe ee MOGDISHO fadhida,oo ku baaqday in dagaalkaa dagdag loo joojiyo.cida doonaysa in dalkeenu hagaago nabad iyo kala danbayn iyo dawladnimo aynu helo waa dawladaa fadaraalka ah ee dhexe.maha in shacabka soomaaliyeed lagu guumaysto qabiil iyo gobolaysi ee waa in aan ka xorownaa oo qaadanaa wadaniyada iyo soomaalinimada taas oo kaliya ayaynu ku nahay wax.

Waad u jeedaan in maanta maamuladii gobolada ay noqdeen cadaw dawlado shisheeye adeegsadaan oo inoo diidan in aynu kabaxno dhibka dawlad la aanta.marabaan in dalkeenu helo dawlad shaqaysa.suuro galna maha in aynu noqono dawlad la aan sidii xayawaankii u nool.

qofkastoo soomaaliyeed dal iyo dibadba waxaa waajib ku ah diinteenuna qabtaa in aynu taageero dawlada soomaaliyeed oo garab istaagno maxaayeelay danteenaa ku jirta,sharafteenaa ku jirta,qaranimadeena iyo gobonimadeenaa ku jirta.markaan dawlad noqono ayaan iska celinaynaa ethiopia iyo emaraad iyo wixii lamid ah.

Madaxweyne farmaajo iyo dawladeena in la adeeco waa waajib.islaamku ma ogola marnaba maqnaansho dawladeed in ay dhacdo wuxuu islaamku si adag u qeexay una amray in dawladnimada lagu mintido oo la ahaado dawlad.qiimaha dawladnimada ka garta Nabigeenii muxamed nabadgalyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee,markii uu dhintay islaamku waxa uu dhisay dawladnimadii oo madax wayne ayay doorteen,kadib ayaa islaamkii oo leh madaxweyne oo dawladii u dhisan tahay ayay iyagoo dawlad ah aasteen rasuulkii illaahay.

Halkaa inagaa wax laynagu barayaa,waynanka iyo lagama maar maanimada dawlad nimada iyo hogaanka.keebaa sharaftu ahayd iyagoo kala daadsan oo aan lahayn hogaan inay aasaan rasuulka iyo inay iyagoo leh hogaan saaxiibkii rasuulka Abuubakar asidiiq uu yahay madaxwyene oo amarka uu dhiibahayo in ay aastaan xabiibkii udgoonaa?

isuma dhawa markiiba cadawgii islaamku waxa uu ogaaday haybada iyo dawladnimada iyo talada islaamka in ay tahay mid ilbaxnimo ku qotanta,markaa dib ayay u joogsadeen.walaalayaal soomaaliyeey ma waxaynu helaynaa wax inoo dhaama dawladnimo,30 sanadood ayaa shisheeye kuwo uu ku adeeganayo hortaagan yihiin dawladnimadeena iyo soomaalinimadeena iyo wada jirkeena.matanaan aqbalaa,ma qabiil ayaa ina deeqa? ma gobolaysi ayaa ina deeqa? war sidee wax idinka yihiin soomaaliyeey? away hankii iyo raganimadii laynagu yaqiinay? waa maxay dawlad ma rabo?

mawaxaan dhawranaa dr gaas iyo muuse biixi iyo axmed madoobe oo ah cadaw shisheeye u adeegaya?masaanaa raganimadeenu soomaaliyeey? dalka hala badbaadiyo walaalayaal.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.