Wasiirka Waxbarashadda oo Farriin u diray dhammaan ardayda Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda waxbarashadda dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa kaga digay dhammaan Ardayda Soomaaliyeed in ay dhibaato kala kulmaan waxyaabo been abuur ah oo ku saabsan Imtixaanka dowladdu qaadi doonto 19-ka Bishaan.

Wasiirka ayaa sheegay in markii ugu horreysay dowladda Soomaaliya ay bixisay Lacagaha ku baxaya Imtixaanadda, sidoo kalena markii ugu horreysay Imtixaanka dowladda lagu daabacay Gudaha Muqdisho.

Waxaa uu ka dhici doona Imtixaanka Afar maamul goboleed iyo Magaalada Muqdisho.

Sidda uu sheegay Wasiirka waxaa sanadkaan Imtixaan u fadhiisan doona  Todobo iyo Labaatan Kun iyo Lix Boqol oo Arday, waxaana lagu gali doonaa 120 xarumood.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan dad marin habaabinaya Ardayda, islamarkaana doonaya in ay ka iibsadaan waxyaabo aan sax aheyn, islamarkaana aan aheyn Imtixaankii ay diyaarisay dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu  dhammaan Ardayda Soomaaliyeed ugu baaqay  in ay arintaasi ay ka muujiyaan Feejignaan si aysan dhibaato u kala kulmin.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in ay ka xun yihiin dhibaatadda soo gaartay Ardayda wax ka barata Magaalada Beledweyne, islamarkaana dib loo dhigay Imtixaankii Ardayda Beledweyne.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.