Wararkii u dambeeyay dagaalada deegaanka Tukaraq

Wararka saakay inaga soo gaaraya degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaaan in saakay xaalad deganaansho laga dareeymayo halkaasi, oo uusan jirin dagaal socda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xalay markale uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka Somaliland iyo Puntland, kaasi oo la xiriiray dagaalkii shalay dhexmaray labadan dhinac.

Ilaa hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaaladan dhacay waqtiyada kala duwan, inkastoo labada maamul ay guulo ka kala sheegteen dagaaladan

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya degaanka Tukaraq ayaa sheegaya in labada ciidan ay soo kala gaareen gurmadyo ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Hargeysa.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Michael Keating ayaa war qroaal ah oo uu soo saaray wuxuu ku sheegay in colaad aysan waxba tareyn balse loo baahan yahay in xasarada loo bedelo wada hadal ay yeeshaan Somaliland iyo Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhankiisa war uu soo saaray shalay wuxuu ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday Tukaraq.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.