Somaliland oo dabaal dagaysa & Dagaal xoogan oo Hadda ka socdo Tukaraq

113

Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu ka socdo deegaanka Tukaraq oo muddooyinkii u dambeeyay xiisad ay ka taagneyd.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyo ciidamo ka tirsan Puntland iyo Somaliland, wuxuuna saaka dib kaga bilowday deegaankaasi oo maalmihii u dambeeyay xiisad ay ka taagneyd.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland ayaa sheegay in ciidamada Puntland labo jiho ay ka weerareen deegaanka Tukaraq.

Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu yahay mid culus oo socda wax ka badan saacad, sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Xaaladan kacsan ee saaka lagu soo waramayo inay ka taagan tahay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub abuureysa, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.