Imaaraatka oo Joojiyay Hal arin uu ka waday Somalia

370

Imaaraadka Carabta ayaa gabi ahaanba soo afjaray Barnaamijka Tababarka Millitari ee ka socday xeryaha ay ku leeyihiin Soomaaliya, kuwaasi oo la siinayay Ciidamo ka tirsan Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa 2014-kii Soomaaliya u soo dirtay Tababarayaal Ciidan, kuwaasi oo tan iyo xilligan tababaro kala duwan iyo qalab Millitari ku taageerayay Cidanka Qaranka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira ururka Al-shabaab.

Sababta uu Imaaraadka u joojiyay Barnaamijyadii Tababareed ee Soomaaliya ayaa Wakaaladda ka soo baxda dalkaasi ee WAM waxa ay ku sheegtay inay kaga jawaabeyso lacagtii 9.6 Milyan aheyd ee Ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ku qabteen 8-dii bishan.

“Imaaraadka Carabta ayaa go’aansaday in ay tirtiraan barnaamijkooda tababarka Millatari ee Soomaaliya oo bilowday 2014-ka si loo dhiso awooda Ciidamada Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Shabaab,” ayaa lagu yiri warka lagu soo daabacay Wakaaladda WAM.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay horay u tababartay 2407 Askari oo ay bixiyaan mushaarkooda, sidoo kale waxay gacanta ku hayeen Saddex xero tababar iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland.

Xiisada u dhexeeya labadan dal ayaa kor u kacday tan iyo markii xukuumadda Soomaaliya ay cambaareeysay qorshaha Imaaraadka ay ku dhisayaan saldhig Millatari oo ku yaalla degaanada Somaliland.

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa 11-kii bishan sheegay in Ciidanka Imaaraadka uu tababaray ay Dowladda la wareegeyso wixii ka dambeeya 12-ka April, oo ku beegneyd Munaasabadii Ciidanka xoogga dalka oo Khamiistii ina dhaaftay loo dabaaldegay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.