“Imaaraatka & Dowladda Dhexdhexaadin ma jirtee Wax kale ayaa jira” W/A/Dibadda

532

Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo maalmahan khilaafkooda uu cirka isku shareeray ayaa waxaa u bilowday wada hadal ay kaga wada hadlayaan xiisada u dhaxeysa labada dal.

Kulamada wada hadalka ah ee u dhaxeeya labada wadan ayaa waxaa yeelanaya Madaxda ugu sareysa ee Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya, oo ka xaajoonaya sidii Caleemo qoyan loo saari lahaa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA-da isaga oo ka mid ah wafdiga Sacuudiga uga qeyb galaya shirka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in aysan jirin dhexdhexaadin socoto iyo kulamo lagu balamay, balse uu jiro wada hadal meel wanaagsan maraya oo u dhaxeeya Madaxda sare ee labada dal.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay in dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka carabta ay wada hadlayeen.

La soco waxii kusoo kordhaa.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.