Dil ka dhacay magaalada Muqdisho [Akhriso]

266

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Rag habeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta gudaha degmadaasi waxa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Dilkan oo ka dhacay meel ku dhaw xarunta degmada ayaa waxaa geystay laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo markii ay hubsadeen in ay dileen Sarkaalka ka baxsaday goobta.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Dheere, wuxuuna si gaar ah uga tirsanaa saraakiisha Ciidanka Booliska qeybta Dambi baarsita, sida ay inoo sheegeen saraakiisha Hay’adaha ammaanka.

“Waxaan kuu sheegaa in galabta xilligii Salaada lagu jiray ayaan marqura ka maqalnay xabado aagga xarunta degmada, kadib markii aan banaanka u baxnay ayaan maqalnay in la dilay Sarkaal Boolis ah, Ciidamo ayaa yimid oo qaaday Meydka, Howlgal ayay wadaan caawa Ciidamada.” Ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka.

Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay tageen goobta uu dilka ka dhacay, waxayna baaritaano amni xaqiijin ah ka wadaan xaafada uu dilka ka dhacay, iyaga oo ku raadjooga Dabelyda dilka geysatay oo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.