Waa shaqsi ceynkee ah Xildhibaanka kusoo baxay Doorashadii Dhuusomareeb [Warbixin]

174

Cabdulilaahi Faarax Wehliye, oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha ayaa kusoo baxay doorashadii kursiga xildhibaan ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Cabdulilaahi Faarax Wehliye ayaa kusoo baxay wareega koowaad ee doorashada, waxaana uu helay 28 cod, halka Maxamed Cilmi Afrax oo kusoo xigay uu helay 17, waxaana sidoo kale 3 cod helay Cabdullaahi Faarax Xersi, halka 3 cod ay halaabeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Xildhibaanka kursigan ku guuleystay uu yahay shaqsi si weyn ugu xiran ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya, waxaana soo baxaya in dhaqaalo badan lagu bixiyay kursigiisa.

Wuxuu ku cusub yahay siyaasadda laakiin, wuxuu taageero buuxda u yahay ra’iisul wasaaraha dala Soomaaliya.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa si wanaagsan kusoo idlaatay, waxaana la filayaa in dhawaan la dhaariyo xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa badalaya booskii uu ka dhintay xildhibaan Bootaan Ciise Caalim oo ku dhintay dalka India.