Doorashadii kursiga Xildhibaan oo idlaatay [Yaa ku guuleystay]

219

Cabdulilaahi Faarax Wehliye, oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda arimaha gudaha ayaa kusoo baxay doorashadii kursiga xildhibaan ee maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Cabdulilaahi Faarax Wehliye ayaa kusoo baxay wareega koowaad ee doorashada, waxaana uu helay 28 cod, halka Maxamed Cilmi Afrax oo kusoo xigay uu helay 17, waxaana sidoo kale 3 cod helay Cabdullaahi Faarax Xersi, halka 3 cod ay halaabeen.

Xildhibaan Cabdulilaahi Faarax Wehliye waa ruux dhalinyaro ah oo siyaasadda ku cusub, waxaana uu hadda hayay xilka wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa si wanaagsan kusoo idlaatay, waxaana la filayaa in dhawaan la dhaariyo xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa badalaya booskii uu ka dhintay xildhibaan Bootaan Ciise Caalim oo ku dhintay dalka India.