DEG DEG: Doorasho maanta dhaceyso & Musharaxiinta tartamaya

356

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu waddaa in maanta lagu qabto doorashadda Kursi ka banaan Golaha Shacabka.

Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in maanta la qaban doono kursigii uu ka geeriyooday allaha unaxariiste Bootaan Ciise Caalin.

Waxaa ku tartami doona Musharaxiinta kala ah Maxamed Cilmi Afrax ( mideeye) iyo musharax Cabdulahi Faarax wehliye.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso doorashadda ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhammaan dhuusamareeb ku sugan Ergadii doorashadda.