XAQIIQ: Imaaraatka oo culees badan dareemay & Maamul goboleedyada oo….

692

Midnimo Online ayaa wuxuu ogaaday in ay jirto xiisad meel halis ah maraysa oo u dhaxeysa Soomaaliya & Imaaraatka Carabta, taas oo ku saabsan xiritaanka Xeryihii tababarada ciidamadii Soomaalida ee Xukuumada Abu Dhabi ay tababarada siin jirtay, oo ay Imaaraatku soo rogeen amaro cusub.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in ay si rasmi ah ula wareegtay ciidamadii ay Imaraatku tababareen 12 April 2018, isla markaasna ay gabi ahaanba muujinayaan in aysan u baahneyn taageerada Imaaraatka Carabta oo ay shaki weyn ka muujiyeen.

Imaaraatka Carabta waxay qaateen talaabo kale oo ku saabsan waxa socda, waxayna go’aansadeen in la xiro dhamaan xeryaha tababaradooda oo kuyaala Kismaayo, Muqdisho, Baraawe & Boosaaso, iyagoo door-bidaya in ay dawlad gobaleedyadaas cadaadis xoog badan saaraan.

Saraakiishii tababarada ee kusugnaa goobahaas waxay bilaabeen habeenimadii ay jimcaha dhamaanba furfureen qalabkoodii raadaarka iyo qalabka Tababarada oo dhan, sidda ay ogaata saxaafadda, waxaana meelaha la furfuray ka mid ah saldhigyada Boosaaso & Muqdisho.

Waxaa la ogaanayaa in xubnaha kusugan magaalada Boosaaso ee Puntland, kana socda dawladda Imaaraatka ay doonayaan in ay baxaan, ayna hadda u muuqdaan kuwa ay saameysay warkii dawladda Faderaalka ee la wareegida ciidamada.

Madaxda Puntland ayaa ka wada hadlay arrimahan, balse ma jiraan wax go`aan ah oo ka soo baxay marka laga reebo, in gabi ahaanba ay amreen in aan waxba qalab ciidan ah dibada looga saari Karin xeryaha ciidan ee kuyaala magaalada Boosaaso.

Sidaas oo kale xarumo Imaaraatku Carabtu ku leeyihiin dawlad gobaleedyada Jubbaland & Koonfru Galbeed ayuu qorshuhu yahay in la xiro, waxaana muuqata arrin weyn oo welwelkeeda leh, gaar ahaana marka laga hadlayo ficilada ay Imaaraatku waqtigan sameynayaan.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.