Maxaa Beri ka dhici kara Xarunta Golaha Shacabka ?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waday dadaalo ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Wadahadalkaasi oo uu garwadeenka ka ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqdo mid fashilmay, maadaama xildhibaanada wadda mooshinka iyo xildhibaanada difaacaya Jawaari ay hadalo kala duwan warbaahinta siiyeen saacadihii u dambeeyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sabtidii lasoo dhaafiyay hakiyay kulan aad looga cabsi qabay in xildhibaanada isku gacan qaadaan oo ka dhici lahaa xarunta golaha Shacabka.

Laakiin waxaa sidii oo kale u baahan in la hakiyo kulanka maalinta beri ah la filayo inuu ka dhaco xarunta golaha shacabka, sida uu sheegay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee taageersan Guddoomiye Jawaari.

Haddii kulanka beri uu ka dhaco xarunta golaha shacabka ayaa waxaa la saadaalinayaa inay dhici karto xiisad horseedi karta in xildhibaanada isku gacan qaadaan.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay shalay aroortii markii warqad ay kasoo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka oo shaqada looga joojiyay xoghayaha guud ee Baarlamaanka, iyadoo durba uu ka jawaabay guddoomiye Jawaari.

La soco waxii kusoo kordhaa xiisadda Insha allah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.