“Dad aan xildhibaano aheyn ayaa la diyaariyay” [Daawo]

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujinaya kulanka maalinta arbacadda la filayo inuu ka dhaco xarunta golaha shacabka.

Xildhibaan Cabdo Fataax oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xildhibaanada ay walaac xoogan ka muujinayaan, qorshaha uu sheegay in xildhibaanada mooshinka wadda ay ka shaqeynayaan.

Xildhibaanka wuxuu sheegay inay ka diyagaan in dhibaato ay ka dhacdo xarunta golaha shacabka, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in la fogaado wax walbaa oo dalka fowdo u horseedi kara.

Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay dadaalkii madaxweynaha Soomaaliya uu u galay xalinta khilaafka, isagoo sheegay in marnaba aan la aqbali doonin in codka gacanta ah ka qeyb galaan dad aan xildhibaano aheyn oo uu sheegay in hada la diyaariyay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.