Caanood “150 Al Shabaab ah ayaan dilnay Todobaadkaan”

Taliska ciidamada xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen inka badan 150 Al Shabaab ah todobaadkaan howlgaladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay gobolada dalka Soomaaliya.

Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen Cabdullaahi Cali Caanood, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gobolka Shabeelaha Hoose kaliya ay ku dileen 66 Al Shabaab islamarkaana ay meydadkooda soo bandhigi doonaan.

Caanood, ayaa sheegay in xubnaha ay ku dileen Shabeelaha Hoose ay ku jiraan saraakiil iyo Amiiro Al Shabaab u qaabilsan deegaano kala duwan oo ku yaala Shabeelaha Hoose.

Xubnaha kale ayuu sheegay inay  ku dileen gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, islamarkaana ay wadaan baaritaano ku aadan tirada Guud ee Goboladaasi lagu dilay.

Jen.Caanood ayaa sheegay in ay Warbaahinta u soo bandhigi doonaan Meydadka Al-shabaab ee lagu hayo Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana uu ku faanay in Ciidamada Dowladda iyo AMISOM ay guul ka gaareen AL-shabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.