Ajaaniib lagu dilay Duqeyntii Galgaduud

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in duqeyn diyaaradeed oo sababtay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhacday deegaanka Dac oo hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Duqeyntaasi ayaa masuuliyiinta Galmudug waxay sheegeen in lagu dilay 16 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab oo ajaaniib ay ku jiraan.

Seddex kamid ah xubnaha halkaasi ku dhintay ayaa masuuliyiinta Galmudug waxay sheegeen inay ajaaniib ahaayeen, walow aysan sheegin dalalka ay u dhasheen.

Ma jirto dowlad Sheegatay duqeynta ka dhacday deegaanka Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana la qiyaasayaa inay ka dambeeyaan diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka.

Al-shabaab oo dhinaceeda ka hadashay duqeyntaas ayaa sheegay in lagu laayay dad shacab ah oo isugu jira Haween,Abwaanno iyo nabaddoonno degaanka u dhashay.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.