Guddoomiye Jawaari oo cadeeyay Qaabka Khilaafka lagu xalinayo

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo goor dhow la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay sababtii keentay in maanta la hakiyo kulankii Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay in Guddoomiye Jawaari in isaga iyo labadiisa ku xigeen ay la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ay ku heshiiyeen in kulanka la baajiyo.

Guddomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka codsaday in la baajiyo kulanka, maadaama ay jirto kala aragti duwanaan ka dhex jirta Xildhibaanada.

Sidoo kale waxaa uu xusay in la dhameyn doono Khilaafka ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan la qaatay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay uu khilaaf ka dhex taagnaa.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Guddoonka sidii loo hakin lahaa Khilaafka xooggan ee ka dhex taagan Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulanka Madaxweynaha uu qaatay Guddoonka Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa joogay Guddoonka Aqalka Sare

Gudoomiyaha Baarlamanka “Jawaari”

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.