Kadib Mooshinkii Jawaari Mooshin cusub oo bilowday [Akhriso]

Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Xildhibaannada mooshinka ka waday Guddoomiye Jawaaari ay wadi waayeen mooshinkaas haddana sida uu sheegay u beddeleen mooshin ay ka wadaan dastuurka dalka.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Xildhibaannada ku shiraya guryahooda sida uu yiri ay u egtahay in ay dalka caaqibo xumo u horseedayaan.

Warar waxa soo baxaya sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu damacsanyahay in uu kala diro Golaha shacabka isaga oo adeegsanaya Qodobka 90aad ee Dastuurka kaas oo Kalfadhigii 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ee sanadkii 2012kii lagu beddelay.

Qodobkaas ayaa oggolaanayay in uu Madaxweeynuhu Baarlamaanka kala diri karo,hayeeshee Xildhibaannada ayaa beddelay Qodobkaas iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in uusan saxiixin Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,sidaas darteedna uusan ansax ku noqoneyn isbeddelkaas.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.