Qamri badan oo lagu qabtay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal lagu qabtay Qamri la doonayay in lasoo geliyo magaalada Muqdisho oo lagu qabtay dekada magaalada Muqdisho.

Kunteernar Qamri ah ayaa la sheegay in ciidamada ku sugan dekada magaalada Muqdisho inay gacanta ku dhigeen, kadib markii baaritaan ay ka sameeyeen dekada magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa qabtay Qamriga  kadib markii Baaris lagu sameeyay Kunteenarkaasi laga shakiyay.

Saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ee ka hawlgala Dakadda Muqdisho, ayaa amray in Khamrigaan aanan laga bixin Karin Dakadda, waxaana lagu wadaa in Saxaafadda loo soo bandhigo.

Ciidamada Ammaanka ee ka howlgalla Dekedda ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay Ammaanka Dekedda Muqdisho, waxaana ay baaris ku sameeyaan Waxyaabaha kasoo degaya.

Dhawaan ayay aheyd Markii Dekedda Muqdisho ciidamada Booliska ay kusoo bandhigeen raashin dhacay oo la doonaayay in laga soo saaro Dekedda.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.