Mooshinka Jawaari oo Guddoonka BFS saameeyay

Waxaa muuqata in khilaafka u dhaxeeya Xukuumadda iyo Baarlamaanka uu sii xoogeysanayo, iyadoo khilaafka uu u badalmay mid ka dhex abuurma baarlamaanka dhexdiisa.

Maalintii shalay waxaa warqad jawaab aheyd soo saaray guddoomiye ku xigeenka labaad, Mahad Cabdalle Cawad, wuxuuna ugu jawaabay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka C/Welli Sheikh Ibraahim Muudeey.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad Muudey ayaa shaaciyay in 31-da bishan maalinta Sabtida ah uu qabsoomi doono kulanka looga doodi doono Mooshinka ka yaalla Guddoomiye (Jawaari).

Mahad Cabdalla Cawad ayaa warqada ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Muudey ku tilmaamay mid aanu aheyn mid ka soo baxay Guddoonka xafiiskiisa oo loo dhan yahay.
Sidoo kale wuxuu sheegay Guddoomiye Cawad in Guddoomiye ku xigeenka 1-aad uusan go’aamin karin xilliga uu furmayo kulanka codka kalsoonida loo qaadayo Guddoomiye Jawaari, isaga oo sidoo kale tilmaamay in Jawaari uu yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in Dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka aysan waafaqsaneyn warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey.

Xildhibaanada qaarkood oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddoomiye Muudey uu sharciga ku xad gudbay go’aan keligiisana uu qaatay.

Xildhibaan Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in Guddoomiye Muudey uusan ahayn ku sime Guddoomiyaha Golaha Shacabka sharci darana ay tahay sheegashadiisa.

Khilaafka ka dhexjira Golaha shacabka BFS ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu dhameeyo arrintan.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.