Aqalka Sare oo Go’aan ka qaadaya DB World

Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay Xeerkii ay shalay soo meelmariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ku aadana in dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xildhibaanada ayaa maanta aysan u suurtagelin in ay ka doodaan Xeerka Shirkadda DP World ,maadaama ay ka hadleen Weerarkii lagu qaaday Guriga Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa warbaahinta u sheegay in maalinta Berri ah laga hadli doono kiiska Shirkadda DP World.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sharci daro ku tilmaamay dhammaan heshiisyadii ay shirkadda DP World ay ka sameysay Soomaaliya,Waxaana ay sheegeen in guud ahaan laga mamnuucay Soomaaliya.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.