Shacabka oo dalbanaya in Imaaraat dalka laga saaro

239

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa baraha bulshada ka bilaabay olole xoogan oo ay kaga soo horjeedaan joogitaanka Imaaraatka carabta ee dalka Soomaaliya.

Shacabka ayaa sheegaya in Imaaraatka carabta weerar toos ah uu kusoo qaaday madaxbanaanida Soomaaliya, islamarkaana ay tani bahdil ku tahay Soomaalida.

Arinta carada xoogan dhalisay ayaa aheyd markii madaxa Shirkadda DP world uu sheegay in jawabtii dowladda Soomaaliya ee heshiiskii dekada Berbera uusan quseyn, islamarkaana heshiiska ay la galeen dal Somaliland la yiraahdo.

Shacabka ayaa madaxda dowladda ka dalbaday inay joojiyaan shaqooyinka Imaaraatka ka hayo dalka Soomaaliya, haddii jawaab cad aysan bixinna shacabka Muqdisho ay ku banaanbixi doonaan safaaradda Imaaraatka.

Carada shacabka ee hadalkii guddoomiyaha Shirkada DP World ayaa waxaa horey kaga jawaabay madaxda dowladda Soomaaliya, waxaana madaxweyne Farmaajo uu kaga digay Shirkadaha Shisheeye inaysan shaqo ka qaban karin Soomaaliya iyada oo dowladda Dhexe ogolaansho laga heysan.