Dowladda oo ka hadashay amarkii Al Shabaab

143

Dowladda Soomaaliya ayaa ka jawaabtay amar kasoo baxay Al Shabaab oo magaalada Muqdisho looga mamnuucay qeybo kamid ah garoomada Salaxa oo dhalinyarada ay ku ciyaaraan.

Cabdi Casiis Cali Xildhibaan, afhayeenka wasaaradda Amniga Soomaaluta ayaa sheegay in marnaba aysan suuro gal aheyn in magaalada Muqdisho amaro Al Shabaab ay soo rogeen laga dhaqan geliyaa.

Wuxuu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka taliyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana aysan aqbali doonin in amark kasoo baxay Al Shabaab laga dhaqan geliyaa magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in uu maamulada uu kaga digaayo in ay qaataan Amarada Al-Shabaab.

Shabaab ayaa xiray inta badan garoomadda lagu ciyaaro kubadda Cagta ee loo yaqaan (Salaxa) kadib markii muddooyinkii dambe ay wadeen xiriiro kala duwan oo ay la sameynayeen Milkiilayaasha goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta.

Horay Shabaab waxa ay u xireen goobo lagu Ciyaaro Kubadda Cagta oo ku yaallo Degmooyinka, Dayniile, Yaaqshiid, Kaxda Iyo Heliwaa, haddana waxa ay amaro dul dhigeen goobaha lagu ciyaaro Kubadda Cagta ee ku dhaw xayndaabka wadada Maka Al-Mukarama.