Baarlamaanka oo ka shiraya heshiiskii Dekada Berbera

Kadib furitaankii kalfadhiga seddexaad ee xildhibaanada baarlamaanka ayaa maanta xildhibaanada golaha shacabka waxay kulankoodii ugu horeeyay ay ku yeelanayaan xaruntooda Muqdisho.

Kulankaasi ayaa ajandihiisa waxaa kamid ah dood xildhibaanada ay ka yeelanayaan heshiiskii carada badan dhaliyay ee Shirkadda DP world la gashay Somaliland iyo Ethiopia.

Dhamaan xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargeliyay xalay inay xaadiraan kulanka maanta oo arimo ay ka tahay heshiiska dekada Berbera iyo xeer hoosaadka baarlamaanka looga hadlayo.

Ajandaha kulanka maanta ayaa waxa uu yahay ka doodista arrinta la xiriirta Heshiiska Dekeda Berbera ee saami qeybsiga ah oo ay wada gaareen Dowladaha Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, kaasi oo dhaliyay muran badan.

Ciidamada Booliska ayaa sidii caadada aheyd waxa ay xireen wadada horumarta xarunta Golaha Shacabka, waxaana loo diidayaa inay halkaasi maraan gaadiidka rayidka iyo Mootooyinka Bajaajta.

Madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegeen heshiis walba oo la galayo kuna saabsan Deked, Bad, Khayraad iyo kuwo kale in ay u idman tahay Dowladda Federaalka, ansixintiisana keliya ay sameyn karaan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana Madaxda ay heshiiska Dekeda Berbera ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.