Baarlamaanka oo dalka ka mamnuucay Shirkadda DP World

290

Xildhibaanada Baarlamaanka  Soomaaliya oo kulan ay ku yeesheen xaruntooda waxa ay ku ansixiyeen xeer dhowraya  gobanimada iyo midnimada geyiga Soomaaliya.

Xeerkaan oo dhowr qodob ka kooban ayaa lagu eedeeyay  Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta inay si bareer ah ugu xadgudubtay siyaasadda, madax banaanida iyo Midnimada Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba dalka laga mamnuucay DP World.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u codeeyay in dalka laga mamnuuco Shirkadda DP World.

Kulanka Baarlamaanka waxaa soo xaadiray 170 xildhibaan 168 Xildhibaan ayaa ogolaatay in Shirkadda dalka laga mamnuuco, hal Xildhibaan ayaa ka aamusay, halka midkalena uu diiday.

Xeerkaan ayaa waxaa ku xusan in xukuumadda Soomaaliya laga doonaayo in ay si deg deg ah u horkeento Baarlamaanka howlgallada laga qaadayo Shirkadda DP World.

Xeerkaan ayaa u baahan in uu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

 

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.