Ethiopia oo dad shacab ah laysay [Akhriso]

251

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa dad Rayid ah ku dilay Deegaanka Soohdinta Seddax Geesoodka ah ku yaalla ee Mooyaale, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 9 Ruux.

Ciidamada ayaa isku dayay in ay ka hor tagaan koox loo maleeyay in ay ka tirsanyihiin Ururka OLF ee Oromada Itoobiya hayeeshee waxaa ay laayeen dad rayid ah.

Daniel Berhane, oo ah qoraa taageersan Dowladda Itoobiya ayaa sheegay in Ciidamada la siiyay xog qaldan islamarkaana ay toogteen 9 qof iyaga oo dhaawacay 12 kale oo rayid ah.

Taliyaha Milatariga Itoobiya ee Ciidankaas heysta ayaa sheegay in ay iyagu heleen xog la xiriirta in Ururka OLF ay weerar  iyaga ka dhan ah ka fulinayaan halkaas sidaasna ku qaadeen howlgalka ay ku dhinteen dadka rayidka ah.

Aschalew Yohannes, oo ah Guddoomiyaha Mooyaale ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira arrintan sida ay ku dhacday islamarkaana ay hay’adaha amaanka kala xisaabtamayaan leynta dadka rayidka ah.

Dalka Itoobiya waxaa uu ku jiraa xaalad deg deg ah waxaana la geliyay markii uu xilka iska casilay ra’isalwasaarihii hore ee dalkaas iyada oo todobaadkan gudahiisa la filayo in dalkaasi uu yeesho Ra’isalwasaare cusub.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.