Wararkii u dambeeyay ciidamada la wareegay Degmada Galboole

191

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay la wareegeen deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamo si gaar ah loo tababaray ayaa la wareegay deegaankaasi oo dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Hirshabeelle ayaa xaqiijiyay in xalay fiidkii ciidamada sida gaarka u tababaran ay la wareegeen deegaankaasi oo fariisin weyn u aheyd Al Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo aysan la socon AMISOM ay la wareegeen deegaankaasi oo Al Shabaab ku lahaayeen saldhig weyn.

Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegay in Gamboole ay muhiim u ahayd Al-shabaab iyaga oo ku lahaa Maxkamad,halkaas oo ay maamulayeen 10kii sano ee la soo dhaafay.