Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Canada

468

Soomaalida kunool dalka Canada ayaa xaqiijiyay in Magaalada Toronto ee dalkaasi Canada xalay lagu dilay , laguna dhaawacay dhalinyaro Soomaaliyeed.

Kooxaha Hubeysan ayaa Rasaas ooda kaga qaaday dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaari saarnaa, waxaana halkaasi ku dhintay wiil Soomaali ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay mid kale.

Ciidamada Booliska  sheegay in falkaasi  lagu dhaawacay dhalinyaro kale oo aan Soomaali  aheyn.

Booliska waxa ay sheegeen in ay waddaan Baaritaano ku aadan sababtii keentay dilka iyo dhaawaca loogu geystay dhalinyaradda Soomaaliyeed Magaalada Toronto.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay jiraan dad lagu tuhmaayo falkaasi oo ay gacanta ku dhigeen.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u badan ayaa sanadyadii lasoo dhaafay lagu dilay Magaalooyinka dalka Canada, waxaana jira in dilkaasi ay geysteen kooxo Gaangaastaro ah.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.