Maxaadan Ogeyn oo ka jira magaalada Beledweyne [Warbixin]

288

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo ah magaalo ku taalo goob muhiim ah ayaa waxaa ka taagan caqabado badan oo heysta shacabka magaalada Beledweyne.

Dhibaatooyinka ayaa ka kooban dhanka caafimaadka, lacagta iyo biyaha, waxaana Midnimo Online ay booqasho ku tagtay magaalada  Beledweyne waxaana daawan doontaan muuqaalo arimahaasi la xiriira.

Warbixintaan ayaa hadda kaga hadleynaa xaaladaha biyo la’aaneed ee ka jira magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wabiga SHabeelle oo bartamaha ka mara magaalada Beledweyne ayaanan wadin hadda wax biyo ah, waxayna sababtay in kumanaan dadweyne ah ay biyo la’aan ku dhacdo kuwaasi oo wabiga biyo ka heli jiray.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya inay u baahan yihiin ceelal biyood laga hergeliyo magaalada bartamaheeda kuwaasi oo gaaraya ilaa labo ceel biyood.

Dadka deegaanka waxay sheegayaan iyo xaalad qatar ah oo dhanka biyaha ay ku sugan yihiin.

La soco warbixinada iyo muuqaalada Warbaahinta Midnimo Group kaaga diyaarin doonto magaalada Beledweyne.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.