Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka oo Beledweyne tagay

351

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wafdi ka socdo dowladda Soomaaliya oo ka kooban xildhibaanada labada aqal inay gaareen magaladaasi.

Safar qaatay wax ka yar hal saac ayay xildhibaanadan ka kooban golaha shacabka iyo aqalka sare ay ku yimaadeen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Ujeedada wafdiga xildhibaanada labada aqal ayaa ah sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen waqtigooda fasaxa inay la kulmaan bulshada ay ku matalaan dowladda Soomaaliya.

Soo dhaweyn kadib wafdiga ayaa gaaray xarunta maamulka Gobolka Hiiraan halkaasi oo ay kula kulmeen odayaasha , waxgaradka iyo xubnaha maamulka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne.

Qaarka mid ah odayaasha gobolka ayaa xildhibaanada labada aqal u sheegay waxyaabaha ay ka filayaan muddada ay magaalada Joogaan.

Isu duwaha caafimaadka ee gobolka Hiiraan ayaa dhankiisa ka warbixiyay xaaladaha dhanka caafimaadka ee ka jirta magaalada Beledweyne.

Ugu dambeyn senetarada aqalka sare iyo xildhibaanada golaha shacabka ayaa u mahadceliyay bulshada iyo maamulka degmada Beledweyne sida ay usoo dhaweeyeen, waxayna sheegeen waxyaabaha ay qaban doonaan mudada ay magaalada Joogaan.

Mudada ay halkaan joogayaan xubnaha maamulka aqalka sare iyo xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxay la kulmi doonaan bulshada qeybaheeda kala duwan.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.