Shirka Wasiirada Qorsheynta oo ka furmaya kuwait

167

Shirka Wasiiradda Qorsheynta ee Wadamada Carabta ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya dalka Kuwait, kaasi oo maalmihii dambe diyaar garowgiisa si aad ah looga dareemayay dalkaasi.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo shalay gaaray Kuwait ayaa Soomaaliya ku metelaya shirkan, waxaan garoonka diyaaradaha dalkaasi ku soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Machadka Qorsheynta Dowladdaha Carbeed iyo Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta wanaagsan ee loo  sameeyay, isagoo sheegay in inta uu ku sugan yahay dalka kuwait uu kulmo la qaadan doonaa madaxda sare dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi.

Dhinaca kale Wasiirka Jamaal Maxmaed Xasan, ayaa waxa uu  kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Dhaqaalaha ee (kuwirt Fund) Mudnae Abdul Wahab Albadir, waxaana Wasiirka uu warbixin uu ka siiyey horumarka Soomaaliya ay sameeyneyso iyo dadaalada hadda socda, siddii ay uga qeyb qaadan lahayd dowladda Kuwait oo Soomaaliya xariir wanaagsan kala dhaxeeyo.

Agaasimaha Sanduuqa Dhaqaalaha Dowladda Kuwait, Mudane Abdul Wahab Albadir, ayaa waxuu boggaadiyay  Horumarka ka socda dalka Soomaaliya, waxuuna sheegay in Kuwait door wanaagsan ay ka qaadan doonta taageerada dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya Jamaal Maxamed Xasan
Wasiirka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Somaaliya Jamaal Maxamed Xasan