Guddoomiye Taabid oo si kulul uga hadlay dilalka ka dhaca Muqadisho

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa si kulul uga hadlay dilalka qorsheysan ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqadisho.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in dadka Shacabka ah lagu dilo gobolka Banaadir ,islamarkaana aan caddaaladda ka la horkeenin Kuwa dhibaatada geysta.

Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay si deg deg ah gacanta ugu soo dhiggaan Kooxaha dilalka qorsheysan ka geysta Magaalada Muqdisho.

Waxaa uu si gaar ah uga hadlay labo dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay degmada Xamarwene, islamarkaana ay baxsadeen Kooxihii dilay.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilkaasi, waxaana Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay daabaceen in ay dileen labo Sarkaal oo ka tirsan ciidamada Nabad Suggidda Soomaaliya.

Todobaadkan gudihiisa ayaa magaalada Muqidsho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan, dhammaan dilalkaas waxaa masuuliyadooda sheegtay  Al-shabaab.

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.