Madaxweyne Waare oo la kulmay Xildhibaanada Hirshabeelle

Mogadishu (Midnimo)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay uu ku sugnaa caasimada Muqdisho.

Madaxweyne Waare ayaa markii uu gaaray magaalada Jowhar waxa uu si toos ah u abaaray xarun loo dhisayo qaar ka mid ah wasaaradaha dowlad goboleedka Hirshabeelle iyadoo dhowaan dhismahan uu dhagax dhigey Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa ka dhagaystey qaabka dhismahan uu u socdo Wasiirka Howlaha guud iyo guryeynta dowlad goboledka Hirshabelle Injineer Jaamac Maxamed waxana uu sheegay wasiirku in dhismahan oo ka mid ahaa dhismooyinkii ay dowladii hore ku lahayd magaalada Jowhar oo burbur soo gaaray haatan ay maalgelinayso hay’adda UNDP.

Dhinaca kale Madaxweyne Waare ayaa xalay kulamo waqti badan qaatay la yeeshay qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle, wuxuuna ka codsaday in ay ansixiyaan Golaha Wasiirada cusub, si howlaha kale ee maamulka loo guda galo.

Madaxweyne Waare ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu horgeeyo Baarlamaanka Hirshabeelle Golaha Wasiirada oo uu dhowaan magacaabay si ay xildhibaanada Baarlamaanka u ansixiyaan.

 Waare

Share Your Comments

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.