Nabadoon caan ah oo lagu dilay Magaalada Baraawe

58

Mogadishu (Midnimo)-Laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay fiidkii waxa ay xaafad ka tirsan degmada Baraawe ku dileen Nin Da’ahaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sayidnaa Xaajow Muukow oo caan ka ahaa Magaalada gaar ahaan xaafadii uu deganaa ee Saqaawu-diin.

Kooxda dilka geysatay ayaa waxa ay Marxuum Sayidnaa u dileen si farsameysan, kadib markii ay isaga dhigeen dhigeen dhalinyaro kubad cayaareysa, kadibna markii Masjidka uu ka soo baxay oo inyar uu soo socday ay Rasaas hubiyeen.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeellaha hoose oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay ninka la dilay in horey uu u ahaa Janan ka tirsanaa Dowladdii Dhexe, hadana uu ahaa howlgab, oo 91-dii ay ugu dambeysay siyaasad.

Wuxuu sheegay Gudoomiye C/fataax dilka Marxuum Sayidnaa in ay ka dambeeyaan ururka Al-shabaab, hadana Ciidamada ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay falkaasi.

Comments